Kooxda Arsenal ayaa wali ku howlan wadahadallo qandaraas kordhin ah oo ay la leedahay Thomas Partey, balse wali heshiis lama gaarin, inkastoo uu toddobaadyo wada hadalku socday.
Partey, oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bishaan Juun, ayaa lagu warramayaa in Arsenal ay dooneyso inay la gasho heshiis muddo-gaaban ah, si uu kooxda ugu sii nagaado hal xilli ciyaareed oo kale. Si kastaba, labada dhinac weli kama aysan heshiin shuruudaha.
Wararka kasoo baxaya Turkiga, gaar ahaan Fotomac, ayaa sheegaya in Partey loo bandhigay kooxda Fenerbahce, halkaasoo Jose Mourinho hadda uu ka yahay tababare. Mourinho ayaa la filayaa inuu si shaqsi ah go’aan uga gaaro haddii uu doonayo inuu la soo wareego Partey oo si xor ah uga imaanaya Arsenal hadii ay isku fahmi waayaan qandaraas cusub.
Arrintan ayaa laga yaabaa inay tahay xeelad uu wakiilka Partey ku doonayo in Arsenal kor ugu qaaddo dalabkeeda, hase yeeshee waxa ay sidoo kale sare u qaaday muhiimadda ay Arsenal siineyso sii heysashada ciyaaryahanka khibradda leh ee khadka dhexe.
Haddii Arsenal ku guuldareysato inay heshiis la gaarto Partey, waxa ay wajihi doontaa khasaaro dhaqaale maadaama ay u baahnaan doonaan beddel tayo sare leh. Arsenal horay waxey u qorsheyneysay iney £53 milyan kusoo qaadato Martin Zubimendi, taasoo la xiriirta bixitaanka Jorginho.