Antony ayaa si qiiro leh uga hadlay xilligiisii murugada lahaa ee uu ku soo qaatay Manchester United, isagoo sheegay inuu gaaray heer uu waayi jiray awood uu kula ciyaaro wiilkiisa.
“Waqtiyo aad u adag ayaan soo maray [intii aan joogay Manchester United],wuxuu ahaa waqti aan marnaba dareemin farxadda ciyaarta,” ayuu yiri Antony oo haatan amaah ugu maqan koox kale.
“Waan u sheegay walaalkay marar badan. Waxaan dhihi jiray: ‘Waan adkeysan kari la’ahay.’
“Aniga kaliya ayaa ogaa waxa aan marayay – inaan guriga joogo anigoo aan lahayn xoog aan ula ciyaaro wiilkayga, inaan maalmo aan waxba cunin, kuna dhex jiro qolkayga oo aan is xiro.”
Hadalkan ayaa muujinaya dhibaatada nafsiyeed ee uu Antony la tacaalay intii uu joogay United, iyadoo uu xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay si weyn uga niyad jabay kooxda.