WAALI: Miyaad Abid Maqashay Koox Lacag Lagaga Qaado Markasta Oo Uu 20 Daqiiqo Ciyaaro Xiddig Kooxdeeda Ahi ? Arsenal Ayay Ka Dhacday & Cabsidii Ay Gunners Ka Qabtay Inuu Garoonka Galo Xiddigaasi

Kooxda Arsenal ayay dhibaato weyni ku haysatay xiddig kooxdeeda ah sanadihii ugu dambeeyay sida uu haatan daaha ka qaaday wariye caan ahi, Gunners ayaa lacag bixinaysay 20 daqiiqo oo kasta oo uu xiddigaasi safkeeda matalo amaba uu garoonka u galo kooxda.

Xiddiga heshiiskaas waalida ah kula joogay kooxda ree London ayaan ahayn shaqsi kale balse ah Alex Oxlade-Chamberlain oo ugu dambayn go’aan geesinimo leh ugu wareegay Liverpool heshiis ku kacay 35 Milyan.

Chamberlain ayaa haatan dhaawac kaga maqan kooxdiisa Liverpool tan iyo bishii April ee sanadkan waxaana la filayaa inuu soo laabto dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Chamberlain ayaa mar wax laga weydiiyay sababtii uu uga baxay Arsenal yidhi “Waxay ahayd go’aan dhab ahaantii adag, Waa sharaf in loo ciyaaro koox sida Arsenal ah”

“Waa goob cajiib ah oo lagu ciyaaro, Waxay ahayd meel dagan, Waxaad samaynaysaa xidhiidhyo laakiin waxaan dareemay inaan sidaas u sameeyo sababo kubadda cagta ah si aan iskugu dayo oo aan u wanaajiyo naftayda”

Haddaba, Sida laga sii xiganayo qoraaga kubadda cagta ee Alan Gernon waxa jirtay sabab kale oo qariib ah oo ka dambaysay ciyaar yarida Ox.

Gernon ayaa buugiisa cusub ee The Transfer Market ku sheegay dhacdo layaab leh oo sheegaysa in heshiiska Chamberlain uu qayb ka ahaa qoddob dhigaya in Southampton oo ah kooxdiisii hore gacanta laga saaro £10,000 markasta oo uu 20 daqiiqo ciyaaro.

Alan Gernon ayaa buugiisa ku yidhi “Tan iyo u dhaqaaqistii Alex Oxlade-Chamberlain ee Arsenal sanadkii 2011, Jamaahiirta Gunners waxa ay si saa’id ah uga wer-wersanaayeen ciyaar la’aanta khadkan dhexe”

“Waxa badanaa loo isticaami jiray bedel iyadoo inta ugu badan daqiiqada 71-aad, Kaddib markii xogta qandaraaskiisu soo baxday waxkasta way cadaadeen, Arsenal waxa waajib ku ahayd inay £10,000 siiso Southampton markasta oo uu ciyaaro 20 daqiiqo ama ka badan”

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.