Weeraryahanka kooxda Ipswich Town, Liam Delap, ayaa doortay inuu ku biiro Chelsea, isagoo iska diiday xiisihii uga imanayey Manchester United iyo Everton.
Xiddigan 22-jirka ah ee u ciyaara xulka England ee da’da yar (U21) ayaa la filayaa inuu dhammaystiro heshiis gaaraya £30 milyan oo gini, taasoo loo adeegsaday qodobka heshiiskiisa ee fasaxa marka kooxdu hoos u dhacdo, kadib markii Ipswich ay ka hartay Premier League.
Go’aanka Delap uu ugu biiray Chelsea waxaa saameyn weyn ku yeeshay xaqiijinta kooxda ee ah inay ka qeybgaleyso tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, taasoo ka duwan Manchester United oo aan ciyaari doonin tartamada Yurub.
Sidoo kale, Delap wuxuu doonayaa inuu mar kale ka hoos ciyaaro tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, oo uu hore uga soo hoos ciyaaray akadeemiyada Manchester City. Isagoo sidoo kale rajeynaya inuu xoojiyo is-fahamkii uu la lahaa saaxiibkiisii hore ee Cole Palmer.
Delap ayaa dhaliyay 12 gool iyo 2 caawin xilli ciyaareedkii hore, waxaana la filayaa in heshiiska Chelsea la dhameystiro kahor bilaabashada tartanka Yurub ee xulka England U21, 11ka June.