Laacibka khadka dhexe ee 26 jirka ah ayaa haatan sugaya wicitaan ka yimaada Real Madrid, kuwaas oo xiiseynaya inay la saxiixdaan.
Arsenal ayaa u muuqanaysay inay heshiis la gaartay Zubimendi ka dib in ka badan hal sano oo xiiso ay u qabtay, balse xiisaha cusub ee Real Madrid ayaa qalqal geliyay u wareegistiisa Arsenal.
Kooxda Los Blancos ayaa doonaysa inay xoojiso kooxdeeda ka hor Koobka Adduunka ee Kooxaha iyo xilli ciyaareedka soo socda oo uu hogaamin doono tababaraha cusub ee Xabi Alonso.
Sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid waxay rumeysan tahay in Zubimendi lagu qancin karo inuu iyaga ku biiro halkii uu Arsenal aadilahaa, maadaama Alonso uu hore ula soo shaqeeyay laacibkan waqtigii uu tababaraha ka ahaa Real Sociedad B.
Sidoo kale, kooxda waxay aaminsan tahay in Zubimendi ay u badan tahay inuu jecel yahay qaab ciyaareedka Alonso, taasoo saameyn ku yeelan karta go’aankiisa.
Xaaladdu way cakirantahay, iyadoo mustaqbalka Zubimendi uu weli mugdi ku jiro maadaama uu sugayo dalab rasmi ah oo ka yimaada Real Madrid.