Waa Tan Sababta Ugu Weyn Arsenal, Liverpool iyo Barcelona Aysan Uga Qeyb Gali Doonin Koobka Adduunka ee Naadiyada

Koobka Adduunka ee Naadiyada oo sanadkan ka dhici doona Mareykanka ayaa la ballaariyay, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan 32 kooxood, iyada oo ay ciyaari doonaan 63 kulan guud ahaan.

Laakiin qaar ka mid ah kooxaha waaweyn sida Arsenal, Liverpool iyo Barcelona ma noqon doonaan qeyb ka mid ah tartanka. Haddaba waa kuwan sababaha;

1. Xaddidaadda Kooxaha ka socda Hal Wadan

Waxaa la ogol yahay kaliya labo koox oo ka socda dal kasta.

Sidaas darteed, Manchester City iyo Chelsea ayaa matalaya Ingiriiska, maadaama ay ku guuleysteen Champions League sanadihii 2021 iyo 2023.

2. Shuruudaha U-qalmidda Koobka

Shuruudda ugu weyn ee lagu galo tartanka waa guul Champions League ah.

Kooxaha u qalma waxaa la doortay iyadoo la eegayo natiijooyinkii afartii sano ee la soo dhaafay (2021–2024).

Chelsea (2021) iyo Man City (2023) ayaa u qalma sababo la xiriira hanashada koobka.

Real Madrid ayaa sidoo kale u qalantay kadib markii ay ku guuleysatay Championka 2022 iyo 2024.

3. Kooxaha Kale ee Yurub Sidee ayey Ugu Qalmeen?

Kooxaha kale ee Yurub ayaa loo xushay iyadoo lagu saleynayo dhibcaha UEFA rankings.

Waxaa ka mid ah:

✅ Bayern Munich

✅ Borussia Dortmund

✅ Inter Milan

✅ Porto

✅ Atletico Madrid

✅ Juventus

✅ Benfica

✅ Red Bull Salzburg

✅ Paris Saint-Germain (oo ku guuleystay CL 2025)

Maxaa Dhici lahaa Haddii Chelsea iyo City Aysan Guuleysan laheen?

Haddii Chelsea ama City aysan ku guuleysan CL, Liverpool oo ahayd runners-up sanadkii 2022 ayaa fursad u heli laheyd tartanka.

 

 

 

 

Gunaanad:

 

Barcelona, Arsenal iyo Liverpool waxay ka maqnaadeen tartanka sababtoo ah ma aysan guuleysan CL sanadihii la tixgeliyay iyo sidoo kale in xad kooban laga ogolyahay kooxaha dalka.

 

 

Koobka sanadkan ayaa noqon doona mid la yaab leh, laakiin maqnaanshaha kooxahan waa mid dhabar jab u ah taageerayaashooda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football