Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa la sheegay inuu si weyn u niyad-jabay kadib markii kooxda ay ku guuldarreysatay inay la saxiixato garabka reer Spain ee Nico Williams.
Wararka kasoo baxaya gudaha kooxda ayaa sheegaya in Flick uu aaminsanaa in 22-jirkaan uu noqon lahaa xubin muhiim ah oo xoojineysa safka Barcelona, gaar ahaan garabka bidix, halkaasoo kooxda ay muddo ku raad-joogtay ciyaaryahanno tayo leh.
Go’aanka lama filaanka ah ee Nico Williams uu heshiiska ugu cusbooneysiiyay kooxda Athletic Bilbao illaa sanadka 2035 ayaa dhirbaaxo culus ku noqday kooxda Catalanka, gaar ahaan iyadoo heshiiskiisa cusub uu sare u qaaday qodobka lagu burburin karo heshiiska xiddiga oo hadda gaaraya ilaa €62 milyan.
Sida ay wararku sheegayaan, Hansi Flick wuxuu si gaar ah uga xumaaday fursadda la lumiyay ee ahayd helitaanka xiddig uu si weyn ugu tashanayay, iyadoo ilo ku dhow tababaraha Jarmalka ay tilmaameen in doorkii wakiilka Nico uu ahaa midka ugu weyn ee keenay burburka wadahadallada labada dhinac.
Dhinaca kale, taageerayaasha Barcelona ayaa baraha bulshada ku muujiyay caro iyo niyad-jab, iyagoo ka falcelinaya sida uu Nico u doortay inuu sii joogo Bilbao, inkasta oo uu horay u muujiyay rabitaan ku aaddan Barca.
Kooxda ayaa hadda lagu qasban yahay inay dib u qiimeyso bartilmaameedyadeeda suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u hesho beddel ku habboon qorshaha Flick ee xilli-ciyaareedka 2025–26.