Waa Tan Sababta Sancho Ku Qasabtay Inuu Dib Ugu Laabto Manchester United

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester United Jadon Sancho ayaa si rasmi ah ugu soo laabanaya Old Trafford dhamaadka bisha Juun 2025, kaddib markii wada hadalladii Chelsea ay ku dhammaadeen fashil sababo la xiriira mushaarkiisa sare, sida uu xaqiijiyay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.

Romano wuxuu yiri: “Arrinta ugu weyn ee hortaagneyd heshiiska Sancho waxay ahayd mushaarka – Chelsea ma aysan doonayn inay la jaanqaado mushaarka uu haatan ka qaato Manchester United.”

Sancho oo si amaah ah ugu ciyaaray Chelsea qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2024-25, ayaa doonayay in kooxda cusub ay si buuxda u la wareegto, balse qandaraaskiisa qaaliga ah oo lagu qiyaasay in ka badan £300,000 todobaadkii, ayaa noqday caqabad weyn.

Romano ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kadib burburka heshiiska, Sancho uu si toos ah ugu laabanayo Man United dhamaadka bishan, balse kooxdaasi ay wali u furan tahay in ay iska iibiso ama mar kale amaah ugu dirto meel kale.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football