Raphinha, weeraryahanka reer Brazil ee Barcelona, ayaa waraysi gaar ah siiyay Mundo Deportivo isagoo si furan uga hadlay wararka la xiriira ka tagistiisa kooxda, sida uu ula tacaalay dhaleeceynta joogtada ah, iyo jacaylka uu u qabo Barça.
Wuxuu sheegay in tan iyo markii uu yimid kooxda, ay jireen warar sheegaya inuu baxayo maadaama la sheegayay inuusan u qalmin heerka Barcelona. Si kastaba ha ahaatee, Raphinha ayaa ku adkaystay inuu ogaa tayadiisa iyo in booskiisa uusan hadiyad ku helin, balse uu ku kasbaday shaqadiisa, waxqabadkiisa kooxihii hore iyo xulka Brazil.
Isagoo sii hadlayay, wuxuu tilmaamay in haddii uu si adag u shaqeeyo, uu kalsoonida taageerayaasha heli karo, taasoo ugu dambeyntii run noqotay. Waxa uu sheegay in uu dalabyo ka helay kooxo waaweyn oo Premier League ah iyo qaar kale ay caddeyn u tahay in uu heer sare gaaray, balse uu si gaar ah u doonayay Barcelona.
Wuxuu xusay inuu tan iyo yaraantiisii jeclaa Barça, isagoo xasuustay halyeeyada sida Ronaldinho iyo Neymar. Ugu dambeyn, Raphinha ayaa carabka ku dhuftay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo sanado badan, isagoo sheegay in tani ahayd himiladiisa tan iyo maalintii uu yimid.