Manchester United ayaa si cad u diiday dalabyo ku saabsan inay amaah ku bixiso Rasmus Højlund iyadoo ay jirto ikhtiyaar lagu iibsan karo, qaab-dhismeedkaas oo ah mid ay doorbidayaan Inter Milan, sida ay sheegtay Calciomercato.
Kooxda reer Talyaani ee Inter, oo raadinaysa inay xoojiso weerarka, ayaa hadda baareysa bartilmaameedyo kale kadib go’aanka adag ee United.
Sida uu qoray La Gazzetta dello Sport, Inter ayaa ahayd kooxdii ugu horreysay ee xiriir la sameysa Manchester United, balse haatan Napoli ayaa sidoo kale tartanka kusoo biirtay, iyagoo eegaya suuragalnimada helitaanka weeraryahanka iyadoo Antonio Conte uu dib u dhis ku wado weerarka kooxdiisa.
Warbixinno hore ayaa tilmaamay in Inter, oo gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkan, ay diyaar u ahayd inay qarashgareyso ilaa €40 milyan si ay u hesho Højlund. Si kastaba, qaddarkaasi uma muuqdo mid Manchester United ku qanci karto.
Rasmus Højlund, oo 22 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 10 gool isla markaana caawiyay labo kale, isagoo ka qeyb galay 52 kulan – taasoo ka dhigtay xubin muhiim ah oo ka tirsan safka Amorim. United ayaana u aragta inuu weli yahay ciyaaryahan leh mustaqbal weyn, sidaas darteed aysan diyaar u ahayn inay ku fasaxdo si fudud.