Waa Tan Sababta Ka Dambeysa In Heshiiska Chelsea Iyo Maignan Uu Burburo

Heshiiska goolhaye Mike Maignan ee uga dhaqaaqayey AC Milan si uu ugu biiro Chelsea ayaa la joojiyey.

Sababta burburka heshiiskan ayaa ah in kooxda Chelsea aysan diyaar u ahayn inay buuxiso qiimaha ay Milan ku dalbatay goolhayaha.

Kooxda Premier League-ga ayaa qiimahaas u aragta inuu yahay “cashuur ku aadan Koobka Adduunka ee Kooxaha” waxayna go’aansadeen inay ka baxaan wadahadalada.

Khabiirka kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa Talaadadii ku qoray X: “Heshiiska Mike Maignan ee Chelsea iy AC Milan waa la joojiyey.

“Chelsea diyaar uma ahayn inay buuxiso qiimaha Milan dalbatay, heshiisku ma soconayo waqtiga Koobka Adduunka ee Kooxaha sababtoo ah #CFC ma bixin doonto ‘cashuurta CWC’.

#CFC waxay aaminsan yihiin Petrović, Sánchez, Jorgensen iyo xirfadaha Mike Penders ee doorka goolhaye.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football