Chelsea waxay weli si dhab ah u doonaysaa inay la soo saxiixato weeraryahanka Brighton ee Joao Pedro, inkastoo uu jiro xiise ka imaanaya kooxo kale oo Premier League ah, oo ay ku jirto Newcastle United.
Sida laga soo xigtay Sky Sports, Pedro wuxuu muujiyay rabitaan xooggan oo ah inuu ku biiro Blues xagaagan.wuxuu aaminsan yahay inuu si fudud boos uga heli karo Blues.
Brighton ayaa la sheegay inay heshay dalabyo badan oo ku aadan Pedro, balse dhammaantood way diideen, iyagoo sheegay in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya qiimaha ay kooxaha kale dalbanayaan iyo qiimaha ay Brighton ku qiimeyneyso ciyaaryahanka.
Chelsea waxay sii waddaa wadahadallada ay la leedahay Brighton si ay u dhamaystirto heshiiska kahor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Xilli ciyaareedkii hore, Joao Pedro wuxuu dhaliyay 10 gool wuxuuna bixiyay 7 caawin isagoo ciyaaray 30 kulan.