Waa Tan Sababta Florian Wirtz U Diiday Bayern Oo Uu U Oggolaaday Liverpool

Florian Wirtz ayaa iska diiday dalabkii Bayern Munich kadib kulan sir ah oo uu la yeeshay madaxda kooxda, sida uu sheegay Christian Falk oo ka tirsan wargeyska BILD.

Kulankaasi oo dhacay 18-kii May ayaa ka dhacay hotel raaxo leh oo ku yaalla Munich, wax yar ka hor dabaaldegii Bayern ee horyaalka Bundesliga. Wirtz ayaa si gaar ah looga soo qaaday garoonka diyaaradaha isaga oo la socday limousiin, wuxuuna la kulmay tababaraha Vincent Kompany, agaasimaha isboortiga Max Eberl, Christoph Freund, maamulaha guud Jan-Christian Dreesen, iyo halyeeyada kooxda Karl-Heinz Rummenigge iyo Uli Hoeneß.

Kadib kulankaas, Wirtz wuxuu qaatay fasax shan maalmood ah si uu u qiimeeyo dalabka, balse ugu dambeyn wuu diiday. Wuxuu si shaqsi ah ugu sheegay Kompany go’aankiisa, halka aabihiis uu la wadaagay Eberl iyo Hoeneß.

Go’aanka Wirtz waxaa la sheegay inuu ku qotomo balanqaad cad oo uga yimid tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, kaasoo siiyay fursad uu si buuxda ugu maamuli doono doorka lambarka 10aad ee kooxda. Bayern ma aysan awoodin inay dammaanad qaadaan boos joogto ah oo dhexe sabab la xiriirta joogitaanka Jamal Musiala.

Aragtida Slot iyo jidka cad ee ciyaarsiinta ayaa go’aanka ka dhigay mid sahlan oo muhiim u ah Wirtz.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football