Waa Tan Sababta Caicedo Uu Ku Seegi Doono Wareega Sideed Dhammaadka Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

Chelsea ayaa la ciyaari doonta Palmeiras wareega siddeed-dhamaadka Koobka Adduunka ee Kooxaha iyadoo aan heli doonin khadkeeda dhexe ee muhiimka ah, Moises Caicedo, kadib markii loo taagay kaadhkiisii labaad ee huruudda ah ee tartankan.

Caicedo ayaa wajahaya hal kulan oo ganaax ah, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka muhiimka ah ee wareega siddeed-dhamaadka.

Dhanka kale, ciyaartoyda Reece James, Marc Cucurella, Tosin Adarabioyo, Liam Delap, iyo Pedro Neto ayaa weli ku socda “xadka ganaaxa” – haddii midkood uu helo kaadh huruud ah kulanka Palmeiras, wuxuu seegi doonaa kulanka xiga ee tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka tartanku wuxuu xaqiijiyay in dhammaan digniinaha la tirtiri doono marka la gaaro dhamaadka wareega siddeed-dhamaadka, si looga hortago in ciyaartoy muhiim ah laga reebo final-ka kaliya sababtoo ah laba kaadh oo ay kala qaateen labo kulan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football