Kooxda Barcelona ayaan weli gaarin heshiis rasmi ah oo la xiriira diiwaangelinta Nico Williams isla marka uu kooxda ku soo biiro, sida uu warinayo wargeyska Marca.
Arrintan ayaa si cad uga hor imaanaysa warbixintii uu hore u sheegay weriyaha caanka ah ee Gerard Romero, kaasoo ku adkaysanayay in heshiiska Nico uu yahay mid “99 ilaa 150% dhammaystiran” isla markaana uu ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe ee Barcelona.
Hase yeeshee, wararka cusub ee laga helayo gudaha kooxda ayaa muujinaya in maamulka Barcelona uusan hadda laheyn kalsooni buuxda oo ku saabsan damaanadda heshiiska, taasoo ka duwan sidii ay ahaayeen toddobaadkii hore.
Dhanka kale, waqtigu wuu sii yaraanayaa, iyadoo dhammaan dhinacyada — Barcelona, Nico Williams, iyo kooxda Athletic Club — ay doonayaan in xal laga gaaro arrintan ka hor inta uusan Nico dib ugu laaban tababarka xagaaga ee kooxda Bilbao, oo lagu wado inuu bilaabmo 9-ka July.
Waxaa muuqata in arrintan ay weli taagan tahay islamarkaana ay suuragal tahay inay sii jiitanto toddobaadyada soo socda haddii aan heshiis rasmi ah la gaarin waqti dhow.