Real Madrid ayaa ciyaaryahan kasta siin doonta gunno gaaraysa €1 milyan haddii ay ku guuleystaan Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday Marca.
Tartanka oo la qaban doono inta u dhaxaysa Juun 15 ilaa Luulyo 13.waxaa lagu qaban doonaa dalka Mareykanka. Tartankan ayaa bixiya abaalmarinno dhaqaale oo weyn, iyadoo kooxda ku guuleysata ay heli karto illaa €145 milyan.
Qaabka lacag-bixinta ayaa ah sidan: €35 milyan ayaa lagu helayaa ka qeybgalka, halka guulaha heerka group-yada lagu kasbado €6 milyan, wareegga 16-ka €7 milyan, wareegga 8-da €12 milyan, afar-dhamaadka €20 milyan, final-ka €28 milyan, iyo kooxda ku guuleysata oo qaadaneysa €37 milyan.
Maamulka Real Madrid ayaa u arka Koobka Adduunka ee Naadiyada fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo sumcadda caalamiga ah ee kooxda. Gunnada €1 milyan ah ee ciyaartoydu helayaan waxay muujinaysaa sida kooxda ay uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo guusha.
Iyadoo tartanku soo dhow yahay, Real Madrid waxay hiigsaneysaa inay ka faa’iideysato fursaddan si ay u sii adkeysato mansabka ay ku leedahay kubadda cagta caalamka.