Chelsea ayaa sameeyay guul weyn kadib markii ay iska xaadiriyeen semi-final-ka Club World Cup, taasoo keentay in kooxda ay kasbato lacag dhan £60m.
Kooxda reer England ayaa 2-1 kaga badisay Palmeiras, ciyaar ay goolasha u kala dhaliyeen Cole Palmer halka Palmeiras uu goolka calanka u xiray da’yarka ay dhowaan Chelsea la saxiixdeen ee Estevao Willian, kaasoo gool qurux badan dhaliyay.
Waxaa ciyaarta go’aamiyay kubbad laga helay Malo Gusto taasoo keentay gool uu iska dhaliyay xiddig ka tirsan Palmeiras.
Guushan waxay Chelsea u suurtagelisay:
- Inay gaarto semi-finalka tartanka oo ay la ciyaari doonaan Fluminense.
- Inay kasbato £60m oo lacag abaal-marin ah.
- Inay u tartamaan abaal-marin kale oo ah £97m haddii ay guuleystaan kulanka xiga.
Lacagta la helay waxay si weyn uga caawin doontaa Chelsea in ay ka baxdo ciqaabtii dhaqaale ee UEFA (€31m), iyadoo la xasuusan karo in kooxda lagu dembi ah jebin xeerarka dhaqaale ee UEFA.
Ciyaaryahanka cusub ee Joao Pedro, oo badel kusoo galay kulanka, ayaa yiri:
“Waa inaan si buuxda ugu diyaar garownaa Fluminense. Waan aqaan kooxdan, waxay la imaan doonaan 100% dadaal.”
Chelsea waxay hadda heysataa fursad ay tartanka ugu dhamaysto si sharaf leh, iyadoo xilli ciyaareedkooda u noqon karo mid taariikhi ah haddii ay qaadaan koobka.