Waa Sidee Xaalada Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Sergio Aguero? Miyuu Diyaar U Yahay Kulanka Weyn Ee Ay Chelsea Ku Booqan Doonaan Stamford Bridge?

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Kun Aguero ayaa guud ahaan toddobaadkan dhammaadka ah dhibaato ku qabay dhaawac u diiday garoomada isaga oo seegay kulamadii ay guulaha kooxdiisu ka gaadhay Bournemouth iyo Watford.

Weeraryahanka ree Argentina ayaa ka cabanayay daal ururay oo uu ka dareemayo muruqa, Kooxda daaweynta ee Sky Blues oo si dhaw ula socday taam ahaanshaha weeraryahankan ayaa u sheegay tababare Guardiola inuu kooxda ka reebo haddii kale uu dhaawac halis u yahay.

Aguero faces a race to be fit for the top of the table clash. AFP

Kaddib talada uu Pep ka helay dhakhaatiirta kooxdiisa, Tababarihii hore ee Bayern Munich iyo Barcelona ayaan marnaba doonayn inuu ciyaarsiiyo Aguero oo aan taam buuxa ahayn si uu uga fogaado dhaawac mudo dheer garomada u diida oo soo gaadha.

Haddaba, Haddii aan usoo laabano xaalada fayo qabka xiddigan ee haatan iyo fursadii kulanka Chelsea, Sergio ayaa isagu dareensan inuu u baahan yahay nasiimo balse waxa uu markasta maanka ku hayaa inuu qayb ka noqdo safka kooxdiisa ee u safraya magaalada London.

Citizens ayaa xaalada xiddigan xog buuxda ka heli doona xiliyada dambe ee maanta oo jimce ah iyaga oo isla markaas go’aan ka gaadhi doona haddii loo xulanayo kulanka aan la saadaalin karin ee Stamford Bridge.

Haddiiba uu Aguero ku fashilmo inuu taam u noqdo kulankan waxa la filayaa inuu booskiisa buuxiya da’yarka ree Brazil ee Gabriel Jesus walow uu qudhiisu la’yahay qaab ciyaareedkiisii wacnaa tan iyo markii uu dhaawac kasoo kabtay toddobaadyo kahor.

Si lamid ah Aguero, Waxa kulankan ka maqan khadka dhexe ee ree Belgium ee Kevin De Bruyne kaas oo ku gudo jira kasoo kabashada dhaawacii labaad ee mudo dheer ah ee dhinaca jilibka kasoo gaadhay isla gudaha xilli ciyaareedkan.