“Waa Shirkad Ganacsi, Ma Aha Koox Jirta” Van Gaal Oo Furka Ku Tuuray United

Tababarihii hore ee Manchester United, Louis van Gaal, ayaa si kulul u dhaliilay qaabka ay u shaqeyso kooxda, isaga oo sheegay in United ay wali mudnaanta siiso dhinaca ganacsiga halkii ay ka hormarin lahayd guulaha kubadda cagta.

Isagoo wareysi dhawaan bixiyay, tababaraha reer Netherlands ayaa carrabka ku adkeeyay hadallo uu horey u sheegay xilligii uu joogay Old Trafford, isaga oo muujiyay welwelka uu ka qabo sida gudaha kooxda loo maamulo.

“Manchester United weli waa shirkad ganacsi, maaha koox kubadda cagta ah. Waxaan horeyba u iri taas,” ayuu yiri Van Gaal.

“Mar walba waa dhibaato marka tababaraha uusan dooran ciyaartoyda. Waa in isaga laga dhigo mas’uulka xulashada, sababtoo ah haddii natiijooyin la’aan timaado, adigaa mas’uuliyadda iska leh oo lagu eryayaa. Laakiin marka dad kale ay ciyaartoyda keenaan, dhib ayaa jirta, maadaama uu tababaruhu yahay qofka tababaraya – sidaa darteed waa in uu isagu dooranayo ciyaartoyda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Van Gaal ayaa xilli ciyaareedyo kooban soo maamulay United intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football