Waa Qasab In Jose Mourinho Uu Saddexdan Xidig Ku Soo Bilaabo Shaxdiisa Kulanka Machester Derby-Paul Merson Oo Qish U Bixiyay Mourinho.

Manchester United iyo Manchester City ayaa si xoogan ugu diyaar garoobaya kulanka Etihad Stadium ee ay iskaga hor iman doonaan barri oo axad ah waana kulan muhiimad wayn u yeelan doona labada kooxood ee magaalada Manchester ay u qaybsan tahay.

Manchester United waxay kulankan iskeeni doontaa iyada oo kalsooni ka buuxdo kadib qaabkii fiicnaa ee ay uga soo baxday xaaladii murugada lahayd ee ay ku soo jirtay laakiin kooxda Mourinho ayaa wajahaysa Manchester City oo xaaladii ugu fiicnayd ku jirta isla markaana kooxo badan dhibanayaal ka soo dhigtay.

Haddbaa khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa Jose Mourinho siiyay talo iyo qish uu guul kaga gaadhay karo Manchester City wuxuuna  Paul Merson  tilmaamay saddex ciyaartoy oo ay Mourinho waajib ama qasab ku tahay in uu shaxdiisa ku soo bilaabo.

Paul Merson ayaa Mourinho u sheegay in uu ku ciyaaro saddex weerar ah halkii uu hal weerar ah ku ciyaari lahaa wuxuuna tilmaamay in ay waajib tahay in shaxdiisa uu ku soo wada bilaabo Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Romelu Lukaku haddii uu taam noqdo wuxuuna sidoo kale sheegay in Ander Herrera uu khadka dhexe shaqo badan ka qaban karo.

Paul Merson oo Sky Sports ka hadlayay ayaa yidhi: “Haa waxaan filayaa in Herrera uu iyaga u ciyaaro kulmada si ay si ay iskugu dayaan in ay kooxaha kale ka joojiyaan in ay ciyaaraan”.

Laakiin Merson ayaa ku dooday in Herrera iyo ciyaartoy kale tooni aanu Man City ciyaarta ka joojin karin wuxuuna yidhi: “Kaliya waxaan ka fikirayaa in aanad u tagi karin Man City oo aanad dib u fadhiisan karin 93 ama 94 daqiiqo  oo aanad filin in City ay ku kala jabin doonto”.

Intaa kadib Pual Merson ayaa Mourinho talo ka siiyay qaabka ay tahay in uu kooxda Guardiola ee Man City ku wajaho iyo saddexda xidig ee ay tahay in uu ku soo bilaabo wuxuuna yidhi: “Aniga ahaan waxaan ku tagi ahaa weerarka hore oo Lukaku ah, Rashford oo dhinaca midig ah iyo Martial oo dhinaca kale ah.

Pual Merson ayaa hadalkiisa si raaciyay: “Saddex weerar ah ku ciyaar una daa in ay halkaas joogaan. Haddii ay weerar gali waaydaan waa ciyaar ka duwan, Southampton ayaa samaysay waxayna heshay 6-0”.