Waa Maxay Taariikhda Arsenal Ka Samaysay Garoonka Old Trafford, Maxayse La Niyad-jabeen Jamaahiirta Gunners?

Arsenal ayaa xalay barbar-dhac 2-2 ah kula dhamaysatay Manchester United oo ay ugu tagtay garoonkeeda Old Trafford, halkaas oo ciyaar sida musalsalka oo goolasha ay Gunners la hor martay ay jamaahiirteeda ku qancisay.

Ciyaartan oo ahayd tii ugu horreysay ee Arsenal iyo Manchester United ay iskaga hor yimaaddaan iyadoo aanu midkoodna joogin Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger, ayaa waxa dhalinta goolasha la hor martay Arsenal oo uu u dhaliyey Shkodran Mustafi, waxaase ka barbarreeyey Anthony Martial, hase yeeshee mar kale ayay Arsenal gool la hormartay kaas oo uu dhaliyey xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette oo uu isagana ka daba yimid Jesse Lingard.

Ciyaartan ayaa macno weyn ugu fadhiday Arsenal iyo Manchester United labadaba, sababtuna waa in Arsenal doonaysay rikoodh ay raadinaysay muddo 11 sannadood ah iyo Manchester United oo ku jirta kaalinta siddeedaad, baahi weyna u qabtay inay hesho saddex dhibcood oo ay sare ugu soo ruqaansato.

Inkasta oo ay barbar-dhac galeen, Arsenal wuu u rumoobay rikoodhka ay raadinayeen muddada 11ka sannadood ah, waxaana markii ugu horreysay muddadaas aan dhinacooda la dhigin 20 ciyaarood oo xidhiidh ah.

Arsenal oo guul darro ka badbaadda 20 ciyaarood oo isku xigta waxa ugu dambaysay sannadkii 2007 oo nasiib darro aanu Arsene Wenger ku helin horyaalnimada.

Rikoodhkan ayay jamaahiirtu soo dhaweeyeen laakiin dhinaca kale waxa aanay jeclaysanin in naadigooda oo helay fursado uu goolal ku dhalin karayo aanay guusha ciyaarta helin. Si gaar ah waxay jamaahiirtu baraha bulshada ugu faaqideen gool uu garsooraha ciyaartu ka diiday xilligii dhamaadka kaas oo ay ku doodeen inuu sax ahaa.