Waa Maxay Sababtii Uu Paul Pogba Uga Haray Safarkii Ay Ciyaartoyda Man United Ugu Soo Laabteen England?

Paul Pogba ayaan ka qeyb galin safarkii ay ciyaartoyda Man United dib ugu laabanayeen England kadib guushii wakhtiga dambe timid oo ay ka gaareen dhigooda Juventus.

Xiddiga reer France ayaa kaalin mug leh ka ciyaaray guushii ay Red Devils ku gaartay magaalada Turin, wuxuuna dib ugu laabtay laba sano ka timid magaaladii lagu soo dhaweeyay markii uu boos ka waayay Old Trafford.

Ronaldo ayaa bilaabay bandhigga goolasha Juventus ka hor inta uusan wakhti dambe laad xor ah ku barbareynin Mata, waxaana xigay kubad uu shabaqiisa ku aadiyay Alex Sandro.

Pogba ayaan la safrin kooxdisa sababo sharci ah, waxaana la arkayay isagoo wakhti dambe la safraya qaar ka mid ah taageeryaaasha kooxda kuwaas oo kulanka usoo daawasho tagay.

Guddiga UEFA ee ku shaqada leh iney baaritaan ku sameeyaan ciyaartoyda ayaa sameeyay doorasho ay kaliya ku dooranayaan iney Paul Pogba ka baaraan dawooyinka awoodda kordhiya kadib kulanka, taasna waxey sababtay inuu ka daaho wakhtiga safarka kooxdiisa.