Waa Maxay Sababta Mesut Ozil Uusan Si Sahal Ah Uga Soo Kaban Karin Dhaawaciisa? Sheeko Xiiso Badan Ayaa Lasoo Bandhigay.

Arsenal ayaan ku xisaabtameynin Mesut Ozil ilaa bilowgii bisha October kadib dhaawac dhabarka kasoo gaaray oo xiddigaan u diiday inuu ka mid noqdo xiddigaha joogtada ah, waxaana rajo laga qabaa inuu dhawaan kasoo bogsoodo.

Tababare Unai Emery ayaa ka dhawaajiyay in xiddigiisa uu shaqo adag qabanayo si uu dib ugu soo laabto garoomada, balse waxaa lasoo warinayaa in xiddigaan uusan dhawaan kusoo laaban karin garoomada maadaama uu fadhiga badsado isla markaana ciyaar gacmeed ku ciyaaro computer-kiisa wakhti badan.

Waxaa lasoo warinayaa in xiddigaan uu isaga caqabad isku yahay maadaama uu wakhti badan fadhiyo, taasna ay dhibaato badan u tahay dhabarkiisa.

Sida ay sheegayaan xogo ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska, gaar ahaan Daily Star waxaa lagu sheegay in xiddigaan uu shan saacadood ku qarash gareeyo wakhtigiisa inuu ciyaaro ciyaar gacmeed isagoo adeegsanaya mareegaha, waana dhibaato weyn.

Sidoo kale wargeyska Jarmalka ah ee BILD ayaa daabacay in khabiiro dhanka caafimaadka ah ay qireen iney dhibaato ku tahay xiddigaan arrintaas, isla markaana ay daahin karto wakhtiga uu kusoo laaban karo garoomada ama uu si toos ah kooxda u matali karo.