Waa Maxay Sababta Luis Suarez Loogu Soo Daray Liiska Kooxda Barcelona Ee Wajahaya Espanyol? Marca Oo Banaanka Keentay.

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa dalbaday in lagu daro liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ka hortagaya Espanyol, waana kulanka loo yaqaano Catalan Derby – xiddigaan dhaawac ayuu kaga maqnaa ciyaarahii ugu dambeeyay kooxdiisa balse si layaab leh ayaa liiska kulanka caawa loogu arkay.

Iyadoo ay taasi jirto hadana Luis Suarez wuxuu doonayaa inuusan keydka ka galin ciyaarta caawa isla markaana uu ciyaaro inkastoo aan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Ernesto Valverde, balse mar walba xiddigaan waa xubnaha ugu muhiimsan kooxdiisa.

Ernesto Valverde ayaan u yeeri karin Athur Melo kaas oo wali la xanuunsanaya dhaawac dhanka muruqa kasoo gaaray, wuxuuna ku jiraa liiska ciyaartoyda Balaugrana ee ka maqan kulanka Catalan Derby.

Sababahaas darteed ayuu Valverde kooxda ugu yeeray laba xiddig oo ka tirsan Barcelona B, waana Juan Miranda iyo Inaki Pena.

LIISKA OO DHAMEYSTIAN:

Ter Stegen, Inaki Pena, Cillessen; Semedo, Pique, Lenglet, Vermaelen, Jordi Alba, Miranda; Busquets, Rakitic, Arturo Vidal, Alena, Denis Suarez; Messi, Suarez, Dembele, Coutinho iyo Munir.

LIISKA DHAAWACA KU MAQAN:

Arthur, Malcom, Sergi Roberto, Rafinha, Umtiti iyo Samper.