Saxafiga Reer Britain Ben Jacobs ayaa daaha ka qaaday in kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, uu diiday dalab dhaqaale aad u weyn oo uga yimid kooxda Sucuudiga ee Al-Hilal, inkastoo wadahadalladii labada dhinac ay gaarayeen marxalad aad u horumarsan toddobaadkii hore.
Intii lagu guda jiray kulamadii dhex maray wakiilada Al-Hilal iyo Fernandes, madaxda kooxda Sacuudiga waxay aaminsanaayeen in heshiisku dhammaystiranyahay, hase yeeshee Bruno ayaa codsaday waqti dheeraad ah si uu ula tashado qoyskiisa, isagoo isla markaas sii waday xiriirka uu la leeyahay maamulka Manchester United.
Jacobs wuxuu xaqiijiyay in tababaraha kooxda Manchester United, Ruben Amorim, uu si shaqsi ah arrinta u farageliyay, isla markaana uu ciyaaryahanka u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda — taasoo saameyn ku yeelatay go’aankii Bruno, gaar ahaan iyadoo Al-Hilal aysan weli si rasmi ah ugala hadlin Man United heshiiska.
Dalabka uu Al-Hilal u bandhigay Fernandes ayaa lagu sheegay inuu gaarayay £66.6 milyan sanadkii, taasoo u dhiganta:
£180,000 maalintii
£7,600 saacaddii
£2.10 ilbiriqsikii
Inkasta oo Bruno Fernandes uu furfurnaan ka muujiyay suurtagalnimada inuu u wareego Sacuudiga, haddana go’aankiisa kama dambaysta ah wuxuu qaatay kaddib markii uu la hadlay qoyskiisa, kuwaasoo si cad uga soo horjeestay in uu u wareego Saudi Arabia. Taasi waxay keentay inuu go’aansado inuusan ka tagin Yurub dhammaadkii toddobaadka.
Jacobs ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Al-Hilal, Fahd bin Nafel, uu aaminsanaa in Fernandes uu la dhacay mashruuca isboorti ee kooxda, balse ciyaaryahanka ma uusan bixin jawaab cad intii lagu jiray kulamadaas, taasoo sababtay dib u dhac ku yimid marxaladda rasmiga ah ee wadahadalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Hilal ay u qabatay Fernandes waqti kama dambays ah ilaa Jimcihii lasoo dhaafay, balse ciyaaryahanku wuxuu kooxda Sacuudiga u sheegay maalin ka dib toddobaadkaas in uu si rasmi ah u diiday dalabkooda.