“Waa Khadka Dhexe Ugu Fiican Wakhti Xaadirkan” Maresca Oo Si Lama Filaan Ah U Magacaabay Xiddig Kaga Yaabsaday Garoomada

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si weyn u ammaanay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Moises Caicedo kahor kulanka FIFA Club World Cup ay la ciyaarayaan Flamengo.

Tababaraha reer Talyaani ayaa ku tilmaamay Caicedo inuu yahay ciyaaryahan aad u karti badan, isagoo sheegay in uu ka ciyaari karo boos kasta oo garoonka ah marka laga reebo goolhayaha.

Caicedo oo asalkiisu yahay ciyaaryahan difaaca dhexe ka ciyaara, ayaa Chelsea kaga soo biiray Brighton & Hove Albion sannadkii 2023. Waxa uu si joogto ah uga mid noqday safka koowaad ee Blues, isagoo ahaa xiddigga kaliya ee u saftay dhammaan 38 kulan ee Premier League xilli ciyaareedkii 2024/25.

Maresca ayaa xusay in uu Caicedo u adeegsaday meelo kala duwan sida khadka dhexe ee hore iyo garabka midig ee difaaca, iyadoo uu si cajiib ah uga soo baxay boos kasta oo loo adeegsaday.

Shir jaraa’id oo uu qabtay kahor kulanka Flamengo ayuu Maresca ku yiri, isagoo soo xiganaya Hayters:

“Aniga ahaan wuu fiican yahay meel kasta, marka laga reebo goolhayaha. Aad baan ugu faraxsanahay Moises, gaar ahaan marka uu ka ciyaarayo difaaca dhexe, waayo waqti xaadirkan waa kan ugu fiican ama ugu yaraan ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka.”

Caicedo ayaa sidoo kale muujiyay inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League marka la eego xirfadda soo qaadida kubbadda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football