Waa Kan Go’aanka Kama Dambeysta Ah Ee Uu Rodrygo Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Real Madrid

Rodrygo Goes ayaan qorsheyneyn inuu ka tago Real Madrid, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in mustaqbalkiisa kooxda uu shaki ku jiro. Weeraryahanka reer Brazil ayaa wajahaya xilli adag oo goolal la’aan ah tan iyo 4-tii Maarso, markaasoo uu shabaqa soo taabtay ciyaartii Champions League ee derby-ga Madrid.

Wararka qaar ayaa tilmaamayay in Rodrygo uu dhibaato kala kulmay tababare Carlo Ancelotti ama uu doonayo inuu kooxda ka huleelo. Laakiin hoos u dhaca xaaladdiisa waxay timid kadib xanuun jidheed oo uu la tacaalay, taasoo keentay inuu dareemo tabar-darro iyo miisaankiisa oo lumay illaa afar kiilo. Wuxuu Ancelotti u sheegay inuusan rabin inuu dhaawac ku noqdo kooxda isagoo aan buuxin heer ciyaareedkiisa ugu sarreeya.

Rodrygo ayaa u safray Barcelona si uu qeyb uga noqdo El Clasico-gi ugu dambeeyay, balse saacado kahor ciyaarta ayuu ka haray kaddib tijaabo caafimaad oo uu iskiis u sameeyay. Waxa uu doonayaa inuu si buuxda uga soo kabsado si uu ugu diyaarsanaado Koobka Adduunka ee Naadiyada, kaasoo uu hoggaamin doono tababaraha cusub ee Xabi Alonso.

Rodrygo ayaa qorsheynaya inuu la fariisto Alonso si uu u fahmo doorkiisa cusub, maadaama tababaraha reer Spain uu la yimaaday qaab ciyaareed leh saddex daafac iyo labo weeraryahan. Tani waxay la micno tahay in Rodrygo uu wajahayo tartan dheeraad ah, balse wuxuu ku talo-galay inuu u kasbado booskiisa si cadaalad ah.

Ciyaaryahanka ayaa weli daacad u ah kooxda, waxaana kooxda ka ag dhow ay sheegeen inuusan wax qorshe ah u lahayn ka tagista Real Madrid ilaa uu si buuxda u fahmo qorshaha kooxda ee mustaqbalka.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football