“Waa Dhaqankiisa Inuu Sida Carruurta U Ooyo” – Xurguftii Hore U Dhex-martay Emery & Mourinho Iyo Hadallada Illaa Hadda La Xasuusan Yahay

Manchester United iyo Arsenal ayaa maanta iskaga hor imanaya kulan taariikhi ah oo jamaahiirta iyo ciyaaryahannada macno badan u samaynaya, sababtuna waa inay is arkayaan markii ugu horreysay tan iyo 1986-kii iyadoo aanu midkoodna joogin Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger

Manchester United ayaa uu shaqadeeda ka fadhiistay tababarihii caanka ahaa ee guulaha badan gaadhsiiyey ee Ferguson xili ciyaareedkii 2012/13 isaga oo horyaalka u qaaday sannadkaas, intii ka dambaysayna waxa adkaatay inay ku tartanto kaalmaha sare, laakiin Arsenal ayaa uu Wenger ka dhaqaaqay dhamaadka xili ciyaareedkii hore, waxaana uu kulankani noqonayaa kii ugu horreysay ee labada kooxood isku haleelaan iyadoo labadaas macallinba ka maqan yihiin.

Arsenal waxa wata tababare Unai Emery oo guulo badan ka gaadhay tartamada Yurub gaar ahaan Europa League, laakiin si wanaagsan iskugu duba-ritay Arsenal oo kulankii ugu dambeeyeyna 4-2 ku karbaashay Tottenham, laakiin Jose Mourinho oo Manchester United u ah tababarihii 4aad intii uu Ferguson tegay ayaa dhibaatoonaya isla markaana barbar-dhac 2-2 ah kula dhamaystay Southampton kulankiisii ugu dambeeyey.

Labada macallin hore ayay isku soo seegeen iyagoo wada joogay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay kala maamulayeen Real Madrid iyo Sevilla iyo Valencia oo labada dambeba Emery soo maray.

Mourinho oo shalay la hadlayey telefishanka kooxdiisa ee MUTV ayaa waxa uu diiday inuu ka warbixiyo xaaladda dhaawacyada kooxdiisa, kaddibna waxa uu ka baxay qolka.

“Maya. Ma doonayo inaan wax cusub idiinka sheego (xaalada kooxdiisa), waxa aan jeclaan lahaa in su’aashaas mid la mid ah uu sameeyo telefishanka Arsenal TV, laakiin may yeelin. Waxay qariyeen sirta dhinacooda markaa sideen anigu idiin siin karaa jawaabta wax walba.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

Special One, waxa kale oo qiimo la’aan ka dhigay guulaha faraha badan ee Arsenal oo aan mar kaliya dhinaceeda dhulka la dhigin muddo 19 ciyaarood ah, waxaana uu taa u nisbeeyey tartanka Europa League oo ah mid liita oo uu ciyaarsiiyo kaydka, kooxda koowaadna uu nasiyo si ay horyaalka oo kaliya u ciyaaraan, laakiin kooxdiisu ay ku jirto tartanka Champions League oo uu ku qasban yahay inuu kuwa ugu wanaagsan usoo xusho.

Unai Emery marna kama gabbado inuu si adag ugu jawaabo Jose Mourinho inkasta oo aanu markan waxba ka odhanin faalladiisa, waxaana hadalkiisii ugu adkaa ee diiwaanka loo geliyey uu ku daray sannadkii 2010.

Real Madrid ayaa 1-0 dirqi ah kaga adkaatay Valencia, waxaanay taasi keentay in Emery uu warbaahinta horteeda ka weeraro hab-dhaqankii Real Madrid iyo tababaraheeda Jose Mourinho oo khaladaad badan sameeyey intii ay ciyaartu socotay, waxaanu yidhi: “Haddii aanu nahay Valencia waxa aanu haysanaa sababo waanaagsan oo aanu bulshada horteeda kaga caban karno khaladaadkii guul-darrada nagu keenay, laakiin ma samaynayno taas. Mourinho dhaqankiisu waa inuu sida carruurta u ooyo.”

Si kastaba ha ahaatee labadan tababare ee xurguftaasi dhex martay ayaa caawa iskaga hor imanaya garoonka Old Trafford, waxaana la eegi doonaa midka ay shaqayso shaxdiisa iyo farsamadiisu ee guusha qaata.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.