Xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa la hadlay saxaafadda kadib guushii 3-0 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaartay Salzburg wareegii saddexaad ee ugu dambeeyay heerka group-yada Koobka Adduunka ee Kooxaha.
Xiddiga reer Brazil ayaa yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay goolka, caawinta, iyo wax walba oo aan qabanay. Hadda waxaa bilaabanaya waqtiga ugu muhiimsan – midka aan ugu jecel nahay – waana fursadda aan ugu guuleysan karno koob muhiim u ah naadiga.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
“Real Madrid waa kooxda nolosheyda! Waxaan rajeynayaa inaan halkaan sii joogo sanado badan; waan jeclahay Real Madrid. Kooxdan ayaan wax walba u hurayaa. Cadaadiska iyo dhaleeceynta la ii jeediyay waxba uma arko. Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, tababaraha cusub Xabi, iyo ciyaartooydan.”