Xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa banaanka keenay talo qiimo leh oo uu ka helay saaxiibkiisii hore ee Cristiano Ronaldo, taasoo door weyn ka qaadatay kobaca xirfadiisa cajiibka ah. Iyadoo Real Madrid ay isu diyaarineyso inay la ciyaarto Borussia Dortmund wareegga rubuc-dhamaadka Koobka Adduunka ee FIFA.
Isagoo la hadlayey DAZN, 24-jirka reer Brazil ayaa faahfaahiyay sida ay tababarayaashiisa iyo Ronaldo ugu dhiirrigeliyeen horumarkiisa.
“Marka laga hadlayo talo, tababarayaashaydu mar walba waxay igu dhiirigelin jireen inaan raaco shakhsiyaddeyda. Waxaa laga yaabaa inaan qaladaad badan sameeyo inta lagu jiro ciyaarta, laakiin waa inaan sii wataa isku dayga, aan dardar geliyo, oo aan naftayda xasuusiyo inaanan joojin isku dayga,” ayuu yiri Vinicius.
Wuxuu intaas ku daray: “Waqti ayaa iman doona oo cayaaryahanka iga horreeyaa wuu daali doonaa markaas ayaan kooxda u noqon karaa mid wax tar leh.”
Vinicius wuxuu kaloo shaaciyay xikmad gaar ah oo uu ka helay Ronaldo:
“Mar walba waxaan xasuustaa taladii uu i siiyay Ronaldo. Wuxuu i oran jiray in gool dhalintu ay aad u fududdahay—laakiin anigu ma aaminsanayn. Markii dambe ayaan si dhab ah u fikiray taasna waxay ii keentay degganaan inta lagu jiro ciyaarta.”
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay:“Khibraddii uu Ronaldo i siiyay wey i saameysay. Wuxuu ii sheegay in marka aad goolhayaha keligii ula tagto kubadda ay tahay xilliga ugu fudud ee gool la xiri karo. Waqti kadib, waan xaqiijiyay taas, waxaana ii fududaatay inaan si sahlan ku xiro goolal.”
Vinicius, oo sidoo kale ah wakiilka summadda Gatorade, ayaa si qoto dheer u muujiyay maskaxda ka dambeysa isbeddelka uu ku sameeyay ciyaartiisa—laga soo bilaabo ciyaaryahan da’yar oo rajo leh ilaa uu ka noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu saameynta badan kubadda cagta—iyadoo hadafkiisu yahay inuu Real Madrid ku hoggaamiyo guulo taariikhi ah.