Real Madrid ayaa Talaadada la ciyaari doonta Juventus kulan ka dhici doona magaalada Miami.waxey u tartamayaan booska wareega quarter-finalka ee Club World Cup, balse Vinicius Jr. ayaa wajahaya xaalad xasaasi ah.
Xiddiga reer Brazil ayaa hal jaale u jira ganaax, kadib markii uu helay jaale kulankii furitaanka ee wareega group-ka oo ay la ciyaareen Al-Hilal, taasoo ahayd khalad la xiriira (isku day been abuur ah oo rigoore lagu raadsanayo). Sida laga soo xigtay xeerarka FIFA, labo kaar oo huruud ah oo la qaato laba kulan oo kala duwan waxay keenayaan hal kulan oo ganaax ah, waxaana kaararka la tirtiri doonaa marka la gaaro semi-final-ka.
Haddii uu jaale kale qaato kulanka Juventus, Vinicius wuxuu seegi doonaa ciyaarta quarter-final-ka oo ay Real Madrid la ciyaari karto Monterrey ama Borussia Dortmund, iyadoo ku xiran natiijada wareega 16-aad.
Vinicius Jr. ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee Real Madrid ee halista ugu jira ganaax waqtigan. Dhinaca kale, difaacooda Raul Asencio ayaa ku soo laabanaya kooxda kadib markii uu dhameystay ganaax hal kulan ah oo uu ku muteystay kaar cas kulankii Pachuca.
Iyadoo Madrid si weyn loogu saadaalinayo hanashada koobka, xaaladda Vinicius ayaa si dhow loola socon doonaa — jaale kale ayaa ka hor istaagi kara inuu ka qeyb galo ciyaar muhiim ah.