Xiddiga Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa wajahaya weerar ballaaran oo dhaleecayn ah oo kaga imaanaya qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda, taas oo gaartay heer aflagaado iyo baaqyo ah in uu isaga tago kooxda.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa si gaar ah loogu beegsaday bartiisa Instagram kadib markii hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa tan iyo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Ololahan dhaleeceynta ah ayaa yimid inkastoo Vinicius door weyn ka ciyaaray guulihii ay Real Madrid gaartay xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay, isagoo qayb weyn ka qaatay hanashada Champions League iyo horyaalka La Liga.
Dhinaca kale, taageerayaal badan oo Real Madrid ah ayaa u arkaya weerarka lagu hayo Vinicius mid laga xumaado, iyagoo tilmaamaya in ay tahay mid muujinaysa il-duufka taageerayaasha qaarkood – kuwaas oo hilmaamay sida uu ciyaaryahankani ugu soo halgamay kooxda. Waxay sidoo kale ka digeen in dhaqamada noocaas ah ay si xun u saameyn karaan niyadda ciyaaryahanka iyo xasilloonida kooxda guud ahaan.