Xiddiga Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa la hadlay Real Madrid TV kadib markii uu ku biiray kooxda oo ku sugan Florida, halkaas oo ay ugu diyaar garoobayaan kulamadooda soo socda ee Club World Cup. Garabka reer Brazil ayaa si cad u sheegay in ku guuleysiga tartanka uu yahay hadaf weyn oo kooxda ay hiigsanayso.
“Aad ayaan ugu hamineynaa inaan ku guuleysano Club World Cup-kii ugu horreeyay,” ayuu yiri Vini Jr. “Dadku marnaba ma illaawaan kii ugu horreeyay, waana koobka kaliya ee Real Madrid aysan weligeed hanan. Waxaan u soconaa si aan u qaadno.”
Vinicius, oo Florida yimid habeen ka hor wareysiga, wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan la midoobidda asxaabtiisa. “Habeenkii xalay ayaan imid. Waxaan la midoobay saaxiibaday, kuwaasoo aan waqti la qaatay. Aad ayaan u faraxsanahay. Waan la qabsaday saacadda cusub, kuleylka iyo cimilada — wax walba. Dhammaanteen diyaar ayaan nahay.”
Markii laga hadlayay tababaraha cusub ee Xabi Alonso, Vini Jr wuxuu muujiyay xiisihiisa shaqada wadajirka ah. “Si adag ayaan u tababaraneynaa, inkastoo maanta uu tababarka yara fududaa sababtoo ah safarka. Waan bilownay diyaar-garowga ciyaaraha. Horay ayaan ula hadlay tababaraha, aad ayaan u faraxsanahay. Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan u shaqeyn lahayn si aan wax badan ula guuleysano isaga.”
Weeraryahanka ayaa sidoo kale si kooban uga hadlay saxiixyada cusub ee kooxda. “Weli si fiican uma aanan wada hadlin, laakiin farxad ayay ii tahay imaanshahooda. Waxaan rajeynayaa in waqtigooda halkan uu u noqdo mid cajiib ah.”
Iyadoo ciyaarta ugu horreysa ee Real Madrid ay soo dhowdahay, Vinicius Jr wuxuu diiradda saarayaa tartanka. “Aad bay u kulushahay. Ciyaartu waxay dhacaysaa saddexda galabnimo, waxaana u baahanahay inaan diyaar ahaanno sababtoo ah wey noqon doontaa mid adag.”