Viktor Gyokeres ayaa si qurux badan ku dhammeystay xilli ciyaareedkiisa, isagoo ka caawiyay Sporting inay ku guuleystaan Taca de Portugal, taasoo si weyn loo rumeysan yahay inay ahayd ciyaartiisii ugu dambeysay ee uu u ciyaaro kooxda reer Portugal. Weeraryahanka reer Iswidhan ayaa dhaliyay rigooro muhiim ah daqiiqaddii 101-aad si uu ciyaarta ugu dhaadhiciyo waqtiga dheeriga ah, isagoo door weyn ka qaatay guushii ay ugu dambeyn gaareen.
Markii ay ciyaartu dhammaatay, Gyokeres waxaa la weydiiyay mustaqbalkiisa, maadaama si weyn loola xiriirinayo Arsenal. Inkastoo uu taxaddar muujiyay, 26-jirkan ayaa albaabka u furay suurtagalnimada in uu dhaqaaqo Gunners xagaagan.
“Waxba ma ogi. Waxaan isku dayay in aan diiradda saaro ciyaarihii ugu dambeeyay. Haddii wax run yihiin, aan aragno xagaaga,” ayuu yiri Gyokeres.
“Wey adag tahay in aan hadda wax sheego – waa kubadda cagta, waligaa ma garanaysid waxa dhici doona,” ayuu sii raaciyay.
Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay ka fiirsaneyso inay doorato Gyokeres ama Benjamin Sesko, iyadoo Mikel Arteta doonayo in uu xoojiyo weerarka kooxdiisa kahor xilli ciyaareedka 2025/26.
Gyokeres ayaa xilli ciyaareed layaab leh soo bandhigay, isagoo dhaliyay 63 gool islamarkaana caawiye ka noqday 16 kale tartamada oo dhan.