Viktor Gyökeres wuxuu u sheegay madaxweynaha Sporting CP inuu ka tagayo kooxda isla markaana uusan dib ugu soo laaban doonin, taasoo xiisad xooggan ka abuurtay kooxda.
Warbixin kasoo baxday Record ayaa sheegtay in weeraryahanka reer Sweden uu ka carooday in la been abuurtay ballan laga qaaday xagaagii hore, taas oo ahayd in loo oggolaan doono inuu si cadaalad ah uga tago kooxda xagaagan haddii dalab macquul ah yimaado.
Gyökeres wuxuu si cad u sheegay in uusan ku laaban doonin tababarka kooxda isla markaana uu qorsheynayo inuu si furan ula hadlo warbaahinta si uu u sharraxo xaalada.
Madaxweyne Frederico Varandas ayaa toddobaadkan horay u sheegay in Sporting aysan aqbalaynin qiimaha suuqa lagu sheegay.
Wuxuu yiri: “Ma sheegi doono waxa uu yahay qiimaha rasmiga ah, laakin ciyaaryahanka wuu ogyahay. Waxaan kuu xaqiijin karaa in Viktor uusan ku bixi doonin €60m+€10m. Maya, weligiisba.”
Labada kooxood ee Premier League, Arsenal iyo Manchester United, ayaa si dhow ula socday xaaladda Gyökeres, iyagoo u arka weeraryahan muhiim ah oo ay doonayaan xagaagan.
Tani waxay kor u qaaday xiisadda u dhaxeysa ciyaaryahanka iyo kooxda, iyadoo laga yaabo in maalmaha soo socda ay arrintu gaarto heer muran dadweyne ah.