Weeraryahanka kooxda Sporting, Viktor Gyokeres, ayaa ugu dambeyn ka hadlay wararka badan ee maalmihii u dambeeyay lagu baahinayay saxaafadda, isaga oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.
Gyokeres ayaa ka yiri aaladda Instagram: “Waxaa jira hadal hayn badan xilligan, inta badan waa been. Waxaan hadli doonaa marka waqtigu munaasib noqdo.”
Gyokeres uma caddaynin si toos ah wararka uu ka hadlayo, balse waxay noqon karaan kuwo la xiriira khilaafkii la sheegay inuu kala dhexeeyay madaxweynaha Sporting ee ku saabsanaa qiimaha lagu iibin karo, ama wararka sheegaya in Arsenal dalabkoodii ugu horreeyay gudbiyeen, ama xidhiidhkii la sheegay in Manchester United la sameysay wakiilkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, uma muuqato in sheekada la xiriirta mustaqbalka Viktor Gyokeres ay dhammaan doonto maalmaha soo socda.