Weeraryahanka reer Nigeria, Victor Osimhen, ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba u ciyaari doonin kooxda reer Turkey ee Fenerbahçe ama koox kale oo fadhigeedu yahay magaalada Istanbul, isagoo si buuxda uga jawaabay wararka suuqa ee la xiriirinayay ku biirista kooxda uu hoggaamiyo Jose Mourinho.
Osimhen, oo horay ugu ciyaaray Galatasaray si amaah ah xilli ciyaareedkii tegay, ayaa halkaas kusoo bandhigay bandhig cajiib ah isagoo dhaliyay 37 gool, 41 kulan oo tartamada oo dhan ah, tan iyo markii uu ka baxay safka Napoli ee uu hadda layliyo Antonio Conte.
Inkasta oo lala xiriirinayo kooxo badan sida Manchester United, Chelsea, Juventus, iyo kooxaha Turkiga qaarkood, Osimhen wuxuu shaaca ka qaaday in rabitaankiisu aanu ahayn inuu ku milmo cadaadiska weyn ee kooxaha Istanbul.
“Waxaan dareemay cabsi ku saabsan waalida taageerayaasha Napoli. Laakiin waalida taageereyaasha Turkiga waxay ka sii daran tahay tan Napoli,” ayuu yiri Osimhen wareysi uu siiyay Habersarikirmizi.
“Haddii aan u wareego koox kale oo Istanbul ah, waan wareeri lahaa. Taas na diyaar uma ihi”
Hadalkan ka yimid xiddiga 26-jirka ah, oo horey ugu guuleystay kabta dahabka ah ee Serie A, wuxuu meesha ka saaraya suuragalnimada inuu u wareego Fenerbahçe ama kooxaha kale ee ka dhisan caasimadda dhaqaalaha ee Turkiga, isagoo diiradda saaraya xulashada kooxdiisa cusub si taxaddar leh.