Weerar yahanka kooxda qaranka Nigeria ee Victor Osimhen ayaa la sheegayaa inuu si weyn ugu dhowyahay inuu ku biiro Liverpool xagaagan, kadib markii warar ka yimid dalka Turkiga ay shaaca ka qaadeen in xiddigu uu oggolaaday heshiis la xiriira mushaar dhan €13-14 milyan sanadkii.
Sida uu sheegay falanqeeyaha Turkiga ee Uğur Karakullukçu oo ka hadlayay bartiisa YouTube, Osimhen wuxuu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan ku biirista Liverpool, isagoo durba u diyaarsan in uu heshiis u saxiixo haddii dalab rasmi ah lasoo gudbiyo.
“Osimhen wuxuu oggol yahay inuu ku biiro Liverpool, mushaar ahaan wuxuu aqbalayaa €13-14 milyan,” ayuu yiri Karakullukçu, oo sidoo kale tilmaamay inaysan suurtagal ahayn in Galatasaray ay la wareegto weeraryahanka iyadoo aysan bixinaynin €20 milyan ama ka badan.
Kooxaha Xiiseynaya Osimhen:
Liverpool (hoggaanka tartanka, sida la sheegayo)
Chelsea
Manchester United
Juventus
Al Hilal
Galatasaray (oo uu amaah ugu maqnaa)
Osimhen ayaa si rasmi ah uga tagaya Napoli, isagoo la filayo inuu heshiis joogto ah ka helo koox kale ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.
Xaaladdiisa suuqa kala iibsiga ayaa noqon doonta mid si weyn loola socdo toddobaadyada soo socda, waxaana suuragal ah in Liverpool ay dhameystirto labo saxiix oo waaweyn – Florian Wirtz iyo Osimhen – si ay u xoojiyaan weerarka kooxda Arne Slot.