Victor Osimhen Oo Ballanta Uga Baxay Chelsea Iyo Man United; Wuxuu Oggolaaday Inuu Ku Biiro Kooxdaan

Kooxda awoodda badan ee Saudi Arabia, Al Hilal, ayaa heshiis la gaartay weeraryahanka reer Nigeria Victor Osimhen, sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Abdullah Al-Hunayan oo ku sugan Riyadh.

Osimhen ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis saddex sano ah oo uu ugu biirayo Al Hilal, kadib xilli ciyaareed amaah ah oo uu ku qaatay kooxda Galatasaray, halkaasoo uu ka dhaliyay 37 gool.

Inkasta oo si xooggan loola xiriirinayay Juventus, haddana isbedelka dhow ee dhanka agaasimaha ciyaaraha ayaa sababay in xiisaha kooxda Talyaanigu yaraado.

Manchester United ayaa sidoo kale lagu waramay inay danaynayso Osimhen, iyadoo weeraryahankooda Rasmus Højlund la filayo inuu ku biiro Napoli si qeyb uga noqda heshiis lacag iyo ciyaaryahan ah.

Chelsea-na waxa ay horay ugu jirtay liiska kooxaha danaynaya Osimhen, balse haatan ma jirto wax dhaqdhaqaaq ah oo cusub, iyadoo Blues ay diiradda saareen Liam Delap iyo suurtagalnimada ay u heli karaan Hugo Ekitike oo ka tirsan Eintracht Frankfurt.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football