Victor Gyökeres Oo Go’aan Kasoo Saaray Ku Biirista Manchester United

Viktor Gyokeres ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Manchester United inuu diyaar u yahay inuu kooxda ku biiro xitaa haddii aysan ciyaarayn Champions League, iyadoo labada dhinac ay haatan wadahadallo ku jiraan.

Weeraryahanka reer Sweden ee haatan ka tirsan Sporting CP ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo Old Trafford, inkastoo kooxda aysan xaqiijin ka qaybgalka tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United ayaa weli u muuqata mid si dhab ah ugu jirta tartanka loogu jiro saxiixa Gyokeres, iyadoo xiisihiisa uu sii kordhayo guud ahaan qaaradda Yurub.

Kooxda ayaa u aragta Gyokeres inuu yahay xiddig muhiim u noqon kara xoojinta weerarka ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in xiriirka tababarihii hore ee Sporting, Ruben Amorim, uu la lahaa Gyokeres uu fududeyn karo wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football