Daafaca Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa muujiyay taageeradiisa iyo walaaciisa kadib markii baabuur ku dhacay dad badan oo isugu soo baxay dabaaldegga guusha Premier League ee kooxda Liverpool.
Shilkan ayaa ka dhacay Water Street wax yar kadib markii ay dhammaatay xafladda dabaaldegga, waxaana la soo sheegayaa in ilaa 50 qof ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro ilmo si daran u dhaawacmay.
Van Dijk ayaa fariin uu soo dhigay Instagram ku yiri:
“Fikirkeyga iyo ducadayda waxay la jiraan dhammaan dadka uu shilku saameeyay.
Waxaan u rajeynayaa in si degdeg u bogsadaan dhammaan dadka ku dhaawacmay. Waxaan idinla dareemeynaa dhibaatada.”
Taageerayaal badan iyo ciyaartoy kale ayaa sidoo kale muujiyay murugada ay ka qabaan dhacdadan, iyadoo boolisku ay weli wadaan baaritaanka sababta keentay shilka.