“Uma Qalmo Mareykanka In Tartan Noocaan Oo Kale Lagu Qabto” Maresca Oo Si Aan Gabasho Laheyn U Weeraray Mareykanka

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si adag u cambaareeyay hakintii kulankii wareega 16-ka ee Club World Cup-ka ee ay kooxdiisu 4-1 uga adkaatay Benfica, kaasoo la joojiyay daqiiqaddii 86-aad sababo la xiriira cimilada (duufaan roobeed).

Maresca ayaa yiri:

“Gool maanan dhalin, fursado badan ayaana abuurnay si aan u guuleysano. Laakiin ciyaarta kadib markii la hakiyay, si buuxda ayey isu bedeshay. Aragtidayda, tani ma aha kubadda cagta.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Tani waa ciyaartii 7-aad, 8-aad ama 9-aad ee la joojiyo. Si daacadnimo ah, waa kaftan, maaha kubadda cagta. Kani tartan nooma aha. kuma sugi kartid kulanka saacado gudaha qolka labiska. Waa arrin gebi ahaanba cusub, waana mid igu adag in aan fahmo.”

Tababaruhu wuu fahmay cabashooyinka ku saabsan badbaadada ciyaartoyda, balse wuxuu hoosta ka xariiqay:

“Haddii 7 ama 8 kulan la joojiyo, waxaan hubaa in Mareykanku uusan noqon karin meesha ugu fiican ee tartankan lagu qabto.”

Maresca, inkastoo uu amaanay tartanka Club World Cup, wuxuu si cad u muujiyay walwalka ku saabsan joojinta badan ee ciyaaraha, isagoo xusay in wax la mid ah aysan ka dhicin Koobka Adduunka ama tartamada Yurub.

Kulanka Benfica iyo Chelsea ayaa la hakiyay daqiiqadii 86-aad, sababo la xiriira duufaan, waxaana la sii waday labo saacadood kadib. Tani waxay ahayd ciyaartii lixaad ee cimilada darteed loo hakiyo iyadoo la ciyaaray 50 kulan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football