UGU DAMBAYN: Maamulka Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Shaqsiga Xiga Ee Ay Xilka Tababarenimo Si Rasmi Ah Ugu Dhiibayaan, Santiago Solari Mise Cid Kale?

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan kama dambays ah ka qaateen shaqsiga ay sida rasmiga ah gacanta ugu galinayaan xilka tababarenimo ee kooxda xilli uu haatan booskaas si kumeel gaadh ah u haysto Santiago Solari.

Iyadoo uu wakhti koobani ka hadhsan yahay mudadii 15-ka maalmood ahayd ee loo qabtay Solari, Wargeyska COPE ayaa laga soo xiganayaa in boodhka sarre ee Los Blancos ay la dhaceen habka tababaraha ree Argentina isla markaana go’aan u gaadheen inay si buuxda maamulka gacanta ugu geliyaan.

Solari dando instrucciones en el partido frente al Viktoria Plzen

Kulanka ay berrito Madrid la yeelan doonto kooxda Celta Vigo oo ah midkii ugu dambeeyay ee mudada kumeel gaadhka ah ee Santi ayaa la filayaa inuu xigi doono war uu ku farxo tababarahani maadaama oo la joogo wakhtigii balantu ahayd.

Ilaa haatan, Solari ayaa kooxda hoggaamiyay hal kulan oo La Liga ah, Mid Copa Del Rey ah iyo mid kale oo Champions League ah isaga oo dhammaantood guulo soo gaadhay arkayna kooxdiisa oo dhalinaysa 11 gool isla markaana aan wax gool ah laga dhalinin.

Solari ayaa ku raaxaystay kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda maadaama oo koox uu isku shaandhayn xoogan ku sameeyay ay 4-0 ku xaaqday Mellila, Markale ayuu kusoo celiyay wadada guulaha ee La Liga iyo Champions League oo ay kulamadii hore guuldarooyin kala kulmeen Barcelona iyo CSKA Moscow.

Maamulka kooxda ayaa la sheegayaa inay la dhacsan yihiin hab ciyaareedka Santiago, Qaabka uu natiijooyinkii xumaa u bedelay iyo fal-celinta wanaagsan ee ay ka arkeen qolka labiska kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Taageerada la filayo in Solari uu ka helo maamulka kooxda ayaa ah mid meesha ka saaraysa wararkii hore ula xidhiidhinayay tababarayal waaweyn oo ay ugu horreeyaan Antonio Conte & Roberto Martinez.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.