Uefa Oo Ganaax Culus Kusoo Rogtay Barcelona Iyo Chelsea

Kooxda FC Barcelona ayaa halis ugu jirta in ay la kulanto ciqaabo culus oo uga imaanaya UEFA, kaddib markii ay markale jebisay xeerarka dhaqaale-wanaagga ciyaaraha (Financial Fair Play) xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah.

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in ciqaabaha laga yaabo in lagu soo rogo kooxda ay ka mid noqon karaan in laga jaro dhibco tartanka Champions League ee soo socda ama in la dhimo tirada ciyaartoyda ay diiwaan gelin karto — arrimo si toos ah u saameyn kara diyaar garowga kooxda ee tartanka qaaradda Yurub.

Dhanka kale, kooxaha Chelsea iyo Aston Villa ayaa lagu eedeeyay ku xadgudub la mid ah midka Barcelona, balse tani waa markii ugu horreysay ee ay khaladkaan galaan, taasoo micnaheedu yahay in ciqaabtooda ay ahaan doonto mid maaliyadeed uun, oo aan wax saameyn ah ku yeelan doonin ka qeybgalka ama diiwaangelinta ciyaartoyda ee tartamada Yurub.

Barcelona waxay horay u diiday ganaax dhan €500,000 oo UEFA ku ridday, taasoo la xiriirtay in kooxda ay bixisay xog aan sax ahayn oo ku saabsan faa’iidada dhaqaale ee sanadkii 2022. Balse bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Garsoorka Isboortiga (CAS) ayaa diiday rafcaankaas, waxayna sheegtay in ciqaabtaasi ahayd mid fudud — iyadoo hoosta ka xarriiqday in khalad kale oo la mid ah loo xisaabin doono dembi soo noqnoqday, loona baahnaan doono ciqaab culus.

Khilaafka u dhexeeya Barcelona iyo UEFA wuxuu salka ku hayaa go’aannadii maamulka Joan Laporta ee kooxda, kuwaasoo ay ku jiraan iibinta qaar ka mid ah hantida sida xuquuqda baahinta ciyaaraha, si loo xoojiyo dhaqaalaha kooxda. Balse UEFA waxay go’aamisay in dakhligaas aan loo aqoonsan karin mid sharciyan ka mid ah dakhliga howlgalka, sida ku cad xeerarkooda dhaqaale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football