UEFA ayaa la sheegayaa inay qorsheyneyso isbeddel weyn oo xagga xeerarka ah kaddib markii Paris Saint-Germain ay ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii 2024/25. PSG ayaa 5-0 ku xasuuqday Inter Milan kana dhigtay kooxdii labaad oo Faransiis ah oo hanata koobka, tan iyo Marseille.
PSG waxay ku dhammeysatay kaalinta 15-aad ee marxaladda group-yada (36-ka koox), waxaana khasab ku noqotay inay ciyaaraan play-off si ay ugu gudbaan wareegga 16-ka. Inkasta oo ay ka hooseeyeen kooxo badan, haddana waxaa loo oggolaaday inay lugta labaad ee semi-finalka garoonkooda ku ciyaaraan, taasoo keentay cabasho ka timid Arsenal.
Sida ay qorayso warbaahinta Jarmalka ee BILD, UEFA waxay hadda doonaysaa in kooxaha ugu sarreeya (8-da) ee sida tooska ah ugu gudba wareegga 16-ka ay mustaqbalka yeeshaan faa’iido ah in lagu ciyaaro lugta labaad garoonkooda — arrin markii hore kaliya quseysay wareegga 16-ka.
Isbeddelkan, oo lagu wado in si rasmi ah loo ansixiyo, wuxuu sababi karaa kooxda kaalmaha sare ka gasha group-yada inay helaan abaalmarin dhab ah. Tartanka 2025/26 ayaa bilaaban doona 16-ka Sebtembar.