U Codee Kooxdee Ayaad Guusha La Jeceshay Kulanka Manchester Derby Ee Axada? City Mise United?

Qaab ciyaareedka fiican ay dhawaan heshay Manchester United ayaa si shaki la’aan ah loo marin doonaa tjaabadii ugu adkeyd iyagoo habeenka Axada booqanaya garoonka Etihad Stadium ee Manchester City.

Kooxda Pep Guardiola ee City ayaa horyaalka hogaamineysa, waxa ay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Chelsea, halka sagaal dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta todobaad ee United, guul ay City gaarto waxa ay ka dhigi doontaa inay 12 dhibcood ka sarre maraan deriskooda.

Inkastoo City ay iska heysatay horyaalka Premier League in ka badan 12kii bilood ee ugu danbeysay, kooxda Mourinho ee United ayaa ku guuleysatay inay dib u dhigto dabaaldagooda kulankii kan oo kale ahaa ee xilli ciyaareedkii hore markaasooa y 3-2 kaga badiyeen.

City ayaa 2-0 ku hogaamineysay nusa saac markii ay socotay ciyaarta laakiin xiddiga reer France Paul Pogba ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isagoo dhaliyay labo gool labo daqiiqo gudaheed, halka Chris Smalling uu goolka guusha dhaliyay.

Man City, Chelsea iyo Liverpool ayaa ah kooxaha kaliya ee aan wali laga badinin horyaalka Premier League, waxaana ay ku kala jiraan seddexda boos ee ugu sareysa, guuldarro City soo gaarta Axada waxa ay keeni kartaa in midkood Chelsea ama Liverpool ay ka sarre maraan.

Hadaba kooxdee ayaad guusha la jeclaan laheyd kulanka Axada ee Manchester Derby? Man City iyo macalinkeeda Pep Guardiola mise Man United iyo tababaraheeda Mourinho?

Ka qeyb qaado codbixinta hoose islamarkaana fekerkaaga ku aadan ciyaartaan hoos inoogu reeb.

25 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. ani waxan ahay taagere chelsea ah ,lakin waxan halkan ka cad in ay manchester city ay u awood sheegan karto man defense(united) wayo koox wayn oo 90 daqiiqaba daafac ku jirta wa wax aan inaba macquul ahayn, ani fikirkayga :
    manchester city 3 – 1 manchester united

  2. waxaan ahay Taageero Arsenal Man Und in eey badiso ayaa nuu wada dan ah
    Koox walbo Hogaanka heesana saanlewayay

  3. waxan ahay taageere Liverpool,haddii aan ciyartan sadaalin ka dhiibto man city-man United 1_2

  4. Manchester united 2 1 man city ,Juventus hadan garacnay city wado ayaan ka dhiganeyna

  5. fikirkeyga Wxaa taageero u ahay Liverpool waxaana jeclaan lahaa in city laga badiyo Mar walba si Hadaan badiyo aan sare uga marno

  6. Dhamaantiin Sidaad U Dantihiin Salaan Sare Aqyaareey Qaasaten Reer Manchester United Sxbayaaal’Hadaan U Gudbo Fikirkeygu Waxaan Qabaa Horta In Lakaka Reyn Doono EE lknse Yeyse Guushu Raacaysaa Aniga Ahaan Waxaan Jeclahay In Man United Ay Ku Badiso 1 Iyo Eber Ama 2BA Iyo 1 Man City 0 1 Man Utd Or Man City 1 2 Man Utd Waa Fikirkeygu Taasi Haadi Aan Wax Ka Iraahdo Sxbkey Shariif Ibraahim’ Sxb Waaba Hadey Badiso City Rajadaadi Aheyd Inaad Qaadid Way Kaa Luntey Soow Kuuma Fiicna Iney Badisaa Man Utd Aan Ku Saxee Raali Ahoow Man Utd Guul Baan Urajeynayaa Alle Haduu Idmo Iyo Haduu Alle Ina Gaarsiiyo Bye Aqyaarey

    • Aqyarey ad ban idin salamaya ugu horen salan kadib waxan jeclahay ina fikirka igaga adan an ka hadlo kulanka adag ee man derby anigo ah tagere man united waxan daremaya ina kulanka ina badin dono welibo si raxo leh wa hadi lukaku an la safin dibiga united man city0 man united2

  7. Waxan ahay taagero chelsea iyo real madrid marka hadan fikir kayga ka dhibto waxan dhib caha lajeclhy man united maxa yelay tagero chelsea waxan donayaa inan hoganka horyaalka qabto wd mhd sn tihin golfm

Comments are closed.