Ciyaaryahanka cusub ee Real Madrid, Trent Alexander-Arnold, ayaa shaki geliyay suurtogalnimada uu mustaqbalka ku hanan karo abaalmarinta Ballon d’Or kadib markii uu ku biiray kooxda reer Spain.
Alexander-Arnold ayaa sheegay in ay adkaan doonto inuu ku guuleysto abaalmarintaas maadaama uu hadda la ciyaarayo xiddigo badan oo heer sare ah oo kooxda ku sugan.
“Aad ayey u adag tahay in la helo Ballon d’Or marka aad koox la tahay ciyaartoydan,” ayuu yiri xiddiga reer England intii lagu guda jiray bandhiggiisa rasmiga ah ee ugu horreeyay isagoo ciyaaryahan Real Madrid ah.
“Waan ku faraxsanahay in aan la ciyaarayo xiddigahan halkii aan kaga horimaan lahaa.”
Alexander-Arnold ayaa si xor ah ugu soo biiray Los Blancos kaddib markii uu go’aansaday inuusan cusbooneysiin qandaraaskiisii Liverpool, oo uu kula guuleystay horyaalka Premier League.
Ciyaaryahankan da’diisu tahay 26 sano jirka ayaa xiran doona lambarka 12-aad ee uu horay u xiran jiray Marcelo, halyeeygii garabka bidix ee Real Madrid.
Waxa uu sidoo kale ka mid yahay xiddigaha uu tababaraha cusub ee kooxda, Xabi Alonso, ku daray liiska ciyaartoyda ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee FIFA Club World Cup 2025.