Toni Kroos Oo Magacaabay Hal Xiddig Oo Ka Muhiimsan Lamine Yamal Marka Laga Hadlayo Barcelona

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, Toni Kroos, ayaa hadal layaab leh ku ammaanay xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Pedri, isagoo sheegay inuu yahay xiddiga ugu fiican adduunka marka laga hadlayo booska uu ka ciyaaro, wuxuu ka muhiimsan yahay saaxiibadiisa caanka ah ee weerarka – Lamine Yamal, Robert Lewandowski iyo Raphinha.

Pedri, oo qeyb muhiim ka ah kooxda Barcelona ee uu hogaaminayo Hansi Flick, ayaa waxa uu si weyn uga qeyb qaatay ololihii guusha lahaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Kroos wuxuu ku yiri podcast-kiisa Einfach mal Luppen:

“Aniga ahaan, ciyaaryahan sida Pedri ah wuxuu ka muhiimsan yahay Yamal, Raphinha ama Lewandowski. Waxaa laga yaabaa in iyagu ay natiijada ciyaarta go’aamiyaan, laakiin Pedri waa sababta ay taasi u suurtogasho.”

“Hadda, Pedri waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka ee booskiisa, lama xaqiri karo, wey iska caddahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football