Tababaraha reer Jarmal Thomas Tuchel ayaa rumeysan in Arsenal iyo Liverpool ay yeelan doonaan faa’iido weyn oo ku aaddan tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025/26, sababo la xiriira maqnaanshahooda tartanka FIFA Club World Cup ee soo socda.
Tartankan oo la ballaariyay lana gaarsiiyay 32 kooxood ayaa ka dhacaya Mareykanka inta u dhaxeysa June 14 ilaa July 13. Premier League waxaa ku matalaya oo kaliya Chelsea iyo Manchester City, maadaama ay ku guuleysteen Champions League sannadihii ugu dambeeyay.
Si kastaba, Tuchel ayaa sheegay in ka qeybgalka tartankaasi uu saameyn weyn ku yeelan doono Chelsea iyo City marka uu bilowdo horyaalka cusub, halka Arsenal iyo Liverpool aysan la kulmi doonin daal iyo mashquul tartankaasi keeni karo.
“Waxaan aaminsanahay inuu yeelan doono saameyn weyn, wuxuuna siin doonaa Arsenal iyo Liverpool faa’iido weyn xilli ciyaareedka dambe ee horyaalka Premier League,” ayuu yiri Tuchel sida laga soo xigtay Metro UK.
“Waxaa laga yaabaa inay tahay waayo-aragnimo fiican ciyaartoyda ka qeybgalaysa Club World Cup, laakiin waa dareen is dhexyaalla,” ayuu sii raaciyay.