Thomas Partey Iyo Arsenal Oo Isku Mari La’ Heshiis Cusub

Kooxda Arsenal ayaa weli wada-hadal kula jirta khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ka harsan yahay wax ka yar hal bil.

Warbixin ay baahisay Mirror ayaa sheegaysa in Arsenal ay soo bandhigtay dalab rasmi ah ku dhawaad 10 maalmood kahor, kaasoo ay u arkeen mid tartan leh, balse wali lama gaarin wax heshiis ah. Labada dhinac ayaa weli ku dadaalaya in arrinta la dhameeyo ka hor inta uusan Partey u safrin Ghana 10-ka June.

Partey, oo 32 jirsanaya Jimcaha soo socda, ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu sii joogo Emirates. Wuxuu dareemayaa degganaansho Waqooyiga London mana lahan qorshe degdeg ah oo uu kaga tagayo. Si kastaba, xiisaha uga imaanaya kooxo ay ka mid tahay Barcelona ayaa keenaya in isaga iyo wakiilladiisu si qoto dheer u qiimeeyaan fursadaha uu xiddiga heli karo.

Ilo ku dhow Partey ayaa sheegaya in qandaraaskan weyn uu u arko kii ugu dambeeyay noloshiisa ciyaareed, sidaas darteedna uu doonayo shuruudo muujinaya qiimaha uu u leeyahay kooxda Mikel Arteta.

Isagoo uu wehliyo wakiilkiisa, Jose Daniel Jimenez Pozanco, ayuu u duulayaa Ghana si uu uga qeyb galo tartanka labaad ee ‘Thomas Partey Tournament’ oo socon doona 10–13 June, halkaas oo scouts reer Yurub ay daawan doonaan xirfadlayaal maxalli ah.

Sidoo kale wuxuu ka qeyb gali doonaa ‘All Star Festival’ oo ka dhacaya Accra 18-ka June.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football